Talyaaniga oo taageero u balan qaaday Maamulka Galmudug

Madaxweynaha Galmudug  Axmed Cabdi kaariye (Qoorqoor)  iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud  oo ku sugan Magaalada Muqdisho  ayaa kulan la qaatay danjiraha Dowlada Talyaaniga Alberto Vecchi iyo ku xigeenkiisa.

Kulanka ayaa looga wada hadlay howlaha horumarineed ee Dowladda Talyaaniga ka wado deegaanada Galmudug iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlahaas oo ay baahi wyen u qabaan Bulshada ku nool degaannada Jubbaland.

Danjiraha ayaa u xaqiijiyay in Dowladda talyaaniga sii xoojin doonto teegeerada shacabka iyo dowlad Goboleedka Galmudug oo wajahaya dhibaatooyin ay ugu weyn tahay amni darro.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug ayaa uga mahadceliyay garab istaaga Dowladda  Talyaaniga iyo maalgelinta mashaariicda horimarineed, isaga oo sheegay inay la Shaqeyn doonaan.