Tallaala COVID-19 oo ka bilaawday degaannada Maamulka Hir-Shabeelle

Tallaalka xanuunka COVID-19 ayaa maanta sirasmi ah looga bilaabay magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, iyada oo uu daahfuray Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Isbitaalka weyn ee magaalada Beledweyne ayaa si toos ah looga daahfuray tallaalka xanuunka,halkaas oo ka mid ah meelaha uu saameeyay caabuqa corono virus.

Goobta lagu daah-furayay tallaalka waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka maamulka Hirshabeelle, kan gobolka Hiiraan iyo bahda caafimaadka, kuwaas oo dhammaantood Bulshada ku booriyay in ay qaataan tallaalka Covid-19 si looga hortago cudurka dilaaga ah ee dunida halakeeyay.

Bulshada gobalka Hiiraan ayaa si weyn u sugayay in ay helaan tallaalka oo dhawaan la geeyay, waxaana la filayaa in magaaloyinka kale ee degaannada Hir-Shabeelle in tallaalka la garsiiyo.

Shalay waxaa tallaalka COVID-19 uu sirasmi ah uga bilaawday Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, iyada oo Maamulkii ugu horeeyay ee bilaaba tallaaka uu noqday Maamulka Puntland.