Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe oo xilka laga qaaday maalintii khamiista aheyd ayaa walaac ka muujiyay isbadellada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed taliyeyaashooda ay ku sameyso dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Mustaqbalkooda uu halis ku jiro, maadaama inta badan taliyeyaasha Ciidanka si deg deg ah xilka laga qaado oo aan la siin waqti ay wax ku qaban karaan.
Waxa uu sheegay in uusan diidaneen isbadalka oo qayb ka ah Dowladnimada, balse waxa uu tilmaamay in uu jeclaan lahaa in Ciidanka uu yeesho hal taliye.
Labo sano iyo bar ayuu sheegay Taliye Indha Qarshe in Ciidamada Xoogga Dalka ay hogaan u noqdeen 5-Taliye.
Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayuu ka dalbaday in ay waqti siiso taliyaha Cusub ee Ciidanka xoogga dalka.
Ugu danbeyn waxa uu ammaan u soo jeediyay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage uu xilka dhawaan maxadaxweynaha jumhuuriyada Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo u magacaabay.



