Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan soo dhawayn iyo is xog waraysi isugu jiray la qaatay Guddiyada Dastuurka Heer Faderaal iyo Heer dowladaha Xubnaha ka ah DFS, kuwaasoo Maalinta Berrita ah uu Shir uga furmi doono magaalada Garoowe.
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa mahad naq kadib Guddiyada Dastuurka kula dar-daarmay inay dar-dargaliyaan howsha loo igmaday.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in looga baahan yahay in ay dhameystiraan dastuurka ka hor doorashadda 2020-ka si loo Caddeeyo in dalka uu gali karo doorasho qof iyo Cod ah.






