Kadib markii shalay warqad ka soo baxday Xafiiska Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland, ahna Ku simaha Taliyaha Booliska Puntland Col. Bile Faarax Cali, xilkii looga qaaday Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, ayaa arintaasi waxaa diiday Taliyaha xilka laga qaaday.
Col. Cabdirashiid Maxamuud Xuseen ayaa sheegay in si sharci daro ah xilka looga qaaday, islamarkaana uusan aqbali doonin.
Waxaa uu sheegay in taliye ku xigeenka ay isku darajo yihiin , Islamarkaana uusan la aheyn awood uu xilka kaga qaadi karo.
Diidista taliyaha ayaa kusoo beegmaysa Xilli dhawaan shaqo joojin lagu sameeyay taliyihii Ciidamada Booliska Puntland Cabdiqaadir Faarax Shire.
Waxaa wali taagan khilaafka u dhaxeeya Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland.



