Dagaalyahano Kenyaan ah oo ka baxay Al-Shabaab

Ilo ka mid ah Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ay jiraan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo doonaya in ay dib ugu soo laabtaan Gudaha dalka Kenya.

Booliska ayaa sheegay in raggaan ay go’aansadeen in ay dib ugu soo laabteen dalka Kenya ka dib markii ay is khilaafeen hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab.

Wargeyska The Standarmedia oo kasoo baxa dalka Kenya ayaa sheegay ilo ka mid ah Booliska Kenya ay u xaqiijiyeen in ay jiraan xubno dhan 5 qof oo Kenyaan oo ka baxay Al-Shabaab oo hadda duurka ku jira.

Shanta xubnood ee ka baxay Al-Shabaab ayaa horay Madaxooda waxaa dowladda Kenya ay u dul dhigtay lacag badan.

Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale ay waxa tilmaameen in xubnahaasi ay nolashooda ay qatar ku jirto ,Maadaama hadii ay Al-Shabaab qabtaan ay dilayaan.