Taliye cusub oo loo magacaabay ciidanka Booliska gobolka Mudug

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug Kornel Cabdiwaaxid Cabdulaahi Warsame ayaa xilkii laga qaaday , waxaana taliye cusub loo magacaabay ciidanka Booliska gobolka Mudug ee Puntland.

Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Puntland ayaa ku dhawaaqay in xilkii laga qaaday Kornel Cabdiwaaxid , islamarkaana loo magacaabay xil kale.

Taliyaha qeybta Booliska Puntland ee gobolka Mudug ayaa waxaa loo magacaabay Cismaan Xasan Cowke (Aflow).

Sidoo kale Kornel Cabdiwaaxid ayaa loo magacaabay in uu noqdo taliyaha hogaanka Booliska gobolka Mudug.