Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo Korneyl Cabaas Ibraahim gureey oo fagaaro kula hadlayay dadweyne ku sugan deg,ada Ceelwaaq ayaa si cad u taageeray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uu yahay hoggaamiye dalkan wax badan u soo qabtay,isla markaana uusan aheyn qurba-joog wada baasaboor Ajnabi ah,sida uu hadalka u dhigay.
“Sow ma aha inan Axmed Madoobe taageerno,waayo ma ahan qurba joog oo laptop ku hubeysan,waa nin dalka u soo halgamay ninka aan dooneynin waa Al-Shabaab dagaal ayaana naga dhaxeeya ayuu yiri Korneyl Cabaas Ibraahim gureey.
Hadalka Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ee Gobolka Gedo ayaa kusoo aadaya xilli doorashadii ka dhacday Magalada Kismaayo ee dib loogu doortay Axmed Madoobe ay dowladda Federaalka sheegtay inaysan aqoonsaneyn.



