Mesut Ozil ayaa laga yaabaa inuu safto kulankiisii ugu horeysay ee Arsenal marka ay u safraan Liverpool Sabtida.
Gunners ayaa ku sii jeedda Anfield iyadoo Ozil uu mar kale diyaar yahay ka dib markii uu fasax qaatay sababo la xiriira hanjabaado dhanka amaanka ah oo uu wajahay isaga iyo saaxiibkiisa kooxda Sead Kolasinac.
“Wuxuu u baahan yahay inuu taam noqdo. Wuxuu si caadi ah tababar ula qaadanayaa kooxda, ”ayuu yiri macalinka Arsenal Unai Emery.
“Taasi waa wadada ugu horeysa ee lagu gaaro taas, intaas kadib wuxuu nagu caawin karaa awoodiisa. Waxaan gaari doonaa go’aan kama dambeys ah maanta. ”
Xiddiga qadka dhexe Granit Xhaka ayaa sidoo kale la filayaa inuu soo laabto ka dib markii uu seegay guushii ay ka gaareen Burnley isagoo dhaawac ka qabay dhabarka.
Saxiixa rikoorka kooxda ah ee Nicolas Pepe ayaa u tartamaya inuu safto kulankiisii ugu horeysay ka dib labo kulan oo uu bedel ku soo galay laakiin Konstantinos Mavropanos iyo Kieran Tierney (labada gumaarka) iyo Hector Bellerin iyo Rob Holding (jilibka) ayaa dhaawac kaga maqan kooxda.



