Taliyaha Howlgalka Amani Boni oo Booqday Ciidamada Kenya ee Raas Kambooni

Taliyaha howlgalka Operation Amani Boni, Sarreeye Guuto Meshack Kishoyian, ayaa booqasho ku tegay ciidamada Kenya Defence Forces (Ciidamada Difaaca Kenya) ee ku sugan deegaanka Raas Kambooni ee gobolka Jubada Hoose, Soomaaliya.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada dib u habeynta amniga iyo xoojinta howlgalka, iyadoo Taliyuhu uu kulamo la qaatay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan furimaha hore.

Sarreeye Guuto Kishoyian ayaa saraakiisha kala hadlay dardargelinta howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isagoo faray in la kordhiyo howlgallada lagu beegsanayo maleeshiyaadka.

Sidoo kale, wuxuu amar ku bixiyay in ciidamada la geliyo heegan sare, si ay uga hortagaan weerarro lama filaan ah iyo dhaqdhaqaaq kasta oo halis ku ah amniga.

Taliyaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay adkeynta amniga xuduudda u dhaxeysa Somalia iyo Kenya, isagoo faray ciidamada inay laba jibbaaraan feejignaanta iyo ilaalinta xadka.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in howlgalka Amani Boni uu gaaray heerar muhiim ah oo la xiriira sugidda amniga, gaar ahaan deegaanada xadka iyo meelaha ay ku dhuumaaleysan jireen kooxaha hubeysan.

Ugu dambeyn, booqashada Taliyaha ayaa muujineysa dadaallada ay Kenya ku xoojineyso amniga gudaha iyo iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta oo ka hirgasha gobolka.