Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi oo ay welhiyaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa booqday Degaanka Bariire oo dhawaan Al-Shabaab ay kala wareegeen Ciidanka xoogga.
Taliyaha Ciidanka dowladda ee ku sugan Bariire ayaa Degaanka ku soo dhaweeyay wafdiga Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.
General Daahir Aadan Cilmi ayaa intii uu ku sugna degaanka waxa uu booqday Difaacyada Ciidamada Xoogga dalka ku leeyihiin Bariire , waxaana uu dalacsiiyay taliyaha Ciidanka dowladda ee hadda ku sugan degaanka Bariire.
General Daahir Aadan Cilm ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay dhismaha Ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna balan qaaday in dhamaan Ciidamada Xoogga dalka loo dhameystiri doono qalabkooda Millitari.
Waxaa uu sheegay in uu Ciidanka ku bogaadinaayo sidda ay Al-Shabaab iskaga difaaceen ka dib markii dhawaan ay kusoo qaadeen Weerar ka dhacay degaanka Bariire.



