Kadib markii Xubno ka tirsan Ururka All-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan howlgalka AMISOM ku leeyihiin degmooyinka Buulo-Burde & Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka hadlay weeraradaas Taliska Ciidamada qeybta 27aad ee xoogga dalka Soomaliyeed.
Taliyaha Qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed janeraal Axmed Maxamed Maxamuud ( Tareedisho) ayaa sheegay in Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM ay iska difaaceen Weeraradii ay Saldhigyada Ciidamada kusoo qaadeen Al-Shabaab.
Taliyer Tareedisho oo safar deg deg ah ku tegay degmada Buulo-Burde ayaa ku amaanay Ciidamada sida ay iskaga difaaceen weerarka, waxaana uu sheegay in Ciidamada ay khasaaro xoogan dagaalkii dhacay ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.
Ugu dambeyn taliyaha Qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed janeraal Axmed Maxamed Maxamuud ( Tareedisho) ayaa sheegay in la dardar gelin doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee laga sameeynayo degaannada Gobolka Hiiraan.
Dhowr jeer ayaa degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda & kuwa Jabuuti oo dhinac ah iyo Al-Shabaab kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhigyada Ciidamada.



