Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Shirka wadatashiga doorashooyinka ee Maanta ka furmay teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.
Shirka oo Maalintii koobaad la soo geba-gabeeyay ayaa markii uu kulanku soo dhamaaday Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay ayaa waxa wuu yiri:-
“Waxaa maanta si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka.Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahadcelinayaa ka soo qeyb galkooda.Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka”.
Maalinta Berito ah ayaa waxaa la filayaa in Madaxda Shirka ay markale isku soo laabtaan, isla markaana ay sii amba qaadaan Shirka si heshiis looga gaaro Arrimaha doorashooyinka.



