Taliska Ciidanka Dhulka oo ka hadlay Hawlgalada lagula dagaalamayo Alshabaab

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka S/Guuto Dayax Cabdi Cabdulle ayaa deegaanka Waniile oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud kulan kula qaatay saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Xoogga Dalka ee howlgalka Xoreynta Alshabaab ka wada deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle, isagoo kala hadlay dardar gelinta howlgallada iyo sidii Alshabaab  looga saari lahaa lahaa deegaanada ay joogaan .

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa kulamada uu saraakiisha la yeeshay kadib kormeeray fariisimaha Ciidamada Xogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Waniile ee bariga gobolka Galgaduud, isagoo ku dhiirigeliyey howlgallada guuleystay ee Alshabaab lagula dagaalamay oo  ciidamadu ay fuliyeen maalmihii lasoo dhaafay.