Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid) ayaa sheegay in dhowaan uu bilaaban doono Howlgal ka dhan ah ururka Al-shabaab, kaasi oo looga saarayo guud ahaan dalka.
Wuxuu sheegay in markan wixii ka dambeeya aysan jiri doonin in Ciidamada ay ka gaabiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, taasi bedelkeedana la kordhin doono dagaalada Al-shabaab.
Sidoo kale Wuxuu sheegay Shabaab in ay ku sugan yihiin degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka, Ciidamada xoogga dalka ayuu ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan dagaalka Shabaab.
Dhanka kale General (Cirfiid) Taliyaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay dhismaha Ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna balan qaaday in dhamaan Ciidamada Xoogga dalka loo dhameystiri doono qalabkooda Millitari.
“Run ahaantii inaan inta iska fadhino macno badan ma sameyneyso, cadowga dhinacyo badan ayuu naga jiraa, sidaasi awgeed dhowaan waxaan bilaabeynaa howlgallo lagula dagaalamayo Shabaab.” Ayuu yiri General (Cirfiid).
Hadalkan ayuu Taliyaha Ciidanka xoogga dalka wuxuu ka sheegay khudbad uu shalay u jeediyay Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degaanka Bariire, kadib booqasho halkaasi uu ku tagay.



