Booliska Soomaaliya oo soo saaray digniin la xirirrta imtixaanka sanadkaan

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa soo saaray digniin ka dhan ah Propagaanda-da Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020, kaas dalka ka bilaabandoona 18-July-2020.

Sida ay sheegtay Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sarre, waxaa sanadkaan Imtixaanaadka Sanad dugsiyeedka 2019/2020 u fadhiisandoona in ka badan 70,000 oo arday Soomaaliyeed ah si xariir ah sanadkii 6-aad, iyadoo sanadkaan lagu Soo kordhiyay fasalka 8-aad (Standard8) 11/July/2020 & Dugsi sare 18-July-2020.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, waxaan u diyaarinay 2000 oo xubnood oo isugu jira Saraakiil iyo Askar sugta Amniga goobaha imtixaanada, Ilaalinta geedi socodka imtixaanada iyo daabulaada imtixaanka ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Booliska.

“Hadaba, iyadoo aad looga taxadaray Badqabka imtixaanaadka sanadkaan, ayaa waxaa jiri kara Propaganda iyo Qalqal lagu abuuro Waalidiinta iyo Ardayda Soomaaliyeed. Sidaas daraadeed, waxaan Digniin adag gaarsiinaynaa qof walba oo isku daya in uu abuuro qalqal Imtixaan, iyadoo Hadaba aan qaarkood gacanta ku hayno ayaa la sii raaciyay.

Sanadkii hore ee 2019 ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafiyay qeyb kamid ah Imtixanka sanadkaas,taas oo keentay in Imtixaanka dib loo dhigo aan bedelo maadooyinkii lagu soo qaadan lahaa.