RW Kheyra oo kulamo gaar gaar ah ka wada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo kulamo gooni gooni ah ka wada Magaalada Dhuusamareeb ayaa la kulmay Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

RW Kheyre ayaa Bulshada Rayidka ah kala hadlay ka qeyb qaadashada dadaallada loogu jiro qabashada doorasho xasliloon oo bulshadu u dhantahay,kaas oo kamid ah u jeedooyinka loo joogo Dhuusamareeb.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Hoyga uu ka degan yahay Dhuusamareeb waxaa uu ku qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal oo ay wehlinayeen labadiisa ku xigeen, iyaga oo soo dhaweyn kadib kala hadlay qabsoomida shirka lagu wado in uu dhex-maro Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada.