Tababaraha Bayern Munich Jupp Heynckes ayaa qatarta Real Madrid kaga digay kooxaha kale ee qaaradda yurub isagoo sheegay in Madrid ay leedahay awood ay ku muquunin karto Paris Saint Germain.
Real Madrid xaalad xun ayey ku jirtaa maadaama ay 19-dhibcood kor u fiirineyso Barcelona kala horeynta horyaalka La Liga, sidoo kalana waxaa laga reebay tartanka Copa del Rey tiiyoo ay jirto iney ku aadeen PSG wareega 16-ka Champions League.
Jupp wuxuu soo tababaray Madrid isagoo u qaaday koobkoodii 7-aad ee Champions League sidaas darteed wuxuu dareensan yahay sida ay u tahay koox koobka yurub khibrad weyn u leh.
“Waxaan ku guuleysanay Champions League 1998, waxaana ku dhameysanay kaalinta 4-aad ee La Liga” ayuu yiri Jupp Heynckess.
“Waxaan u leeyahay khibrad inaan marnaba la dhayalsan Real Madrid”
“Waxey heystaan koox wanaagsan”
“Haka saarin Champions League”
“Waxey leeyahiin khibrad ka badan Paris Saint Germain”



