Tababaraha Arsenal oo rajo wanaagsan u muujiyey Kooxdiisa

Mikel Arteta ayaa rumaysan in kooxdiisa Arsenal ay kusoo laaban doonto garoomada iyadoo ka xoog badan intii hore, marka ay dhamaato mushkiladda xanuunka Coronavirus ee hakadka geliyey ciyaaraha muddada labada bilood ah ee aan waliba la ogeyn waqtiga rasmiga ah ee lagu soo laaban doono.

Arteta ayaa hayay shaqada Arsenal muddo saddex bilood ah ka hor intii aan ciyaaraha la joonin iyadoo kooxdiisu kaalinta sagaalaad  kaga jirta miiska kala-sarraynta, laakiin waxa uu taageereyaasha kooxdiisa ugu bushaareeyey in marka lasoo laabto ay arki doonaan xoog ka badan intii hore oo ay kooxdiisu yeelatay.

“Ciyaartoyda si shaqsi-shaqsi ah ayaan ula hadlayay, mararka qaarkoodna badhkood ama dhamaantoodba, waxayna taasi iga caawisay inaan si fiican u barto iyaga maadaama saddex bilood oo kaliya laga joogo markii aan imid halkan, markaa waxay ii ahayd fursad aanu si fiican iskugu barano.” Ayuu yidhi Arteta.

“Waxaanu leenahay tababare jidh-dhiska ah waxaanay si wada-jir ah u sameeyaan shaqada, waxaanay yihiin kuwo aad isku dhiirigeliyey, sababtoo ah ma sahlana inaad kaligaa qol ku tababarato.” Ayuu ku daray.