Wasaaradda Arrimaha gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaacisey inay shaqo joojin ku sameeysay Gudoomiyaha degmada Walaweyn iyo ku xigeenkiisa.
Wareegto kasoo baxdey Xafiiska Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in guddoomiyaha degmada Walaweyn Mohamed Siidow Abdirahmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka qorsheynta Nuur Axmed (Nuur Baadiyow,) Shaqada laga joojiyey
Sababaha Shaqa joojinta loogu sameeyey Mas’uuliyinta degmada Walanweyn ayaa waxaa lagu sheegay soo jeedin ka timid Guddiga isku dhafka ah ee dhibaatadii ka dhacdey degmadaas si loo xaliyo dhibaatadii ka dhacdey degmadaas.





