Antonio Conte ayaa la filayaa in la xaqiijiyo inuu yahay tababare, cusub ee Chelsea saacadaha saa aadan.
Conte ayaa qarka u saran in milkiilaha Chelsea Roman Abramovich uu ku bedelo Guus Hiddink oo hadda shaqada sii wada.
Express Sport ayaa ogaatay in tababaraha Talyaaniga uu saxiixi doono heshiis seddex sanno ah oo ku kacaya £ 18 milyan mudada uu joogo Stamford Bridge.
Chelsea ayaa fasixi doonta Eden Hazard, Oscar, Willian, Nemanja Matic, Loic Remy, John Terry, Diego Costa, Radamel Falcao, Alexandre Pato iyo Pedro marka uu shaqada la wareego tababare Conte sida la xaqiijiyay.
Conte ayaa keensan doona Agaasimaha Isboortiga Roma Walter Sabatini, xiddigaha Roma Radja Nainggolan iyo Miralem Pjanic, weeraryahanka Paris Saint-Germain Edinson Cavani iyo daafaca Juventus Leonardo Bonucci.


