Tababaraha Chelsea oo soo jeediyay in Terry macalin laga dhigo

Tababaraha KMG ah ee Chelsea Guus Hiddink ayaa ku taageeray kabtan John Terry marka uu soo gabagabeeyo xirfadiisa kubadda cagta inuu noqdo tabaraha kooxda Chelsea.

Mustaqbalka Terry ee Chelsea ayaa sii dhamaanaya kadib markii kooxda ay diiday inay heshiiska u kordhiso.

Chelsea iyo Terry ayaa is macsalameyn doona dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana Guus Hiddink uu ku taliyay in Halyeygan shaqo tababarnimo loo dhiibo,

Hiddink ayaa aaminsan in Terry uu leeyahay tayada ugu wananagsan ee uu ku mareyn karo Chelsea haddii uu macalin u noqdo,

“Waxaan qabaa inuu noqon karo tababare wanaagsan ,laakiin marka hore waa inuu muddo kooban oo aasaas ah helaa,” ayuu Macalinka Holland u sheegay suxufiyiinta.