Labada kooxood ee Manchester ayaa dooneya inay xoojiyaan xiisaha ay u qabaan difaaca kooxda Juventus Sandro.
United ayaa haatan waxa ay kujirtaa xaalad dhaawac ah, iyadoo daafaca bidix ee Luke Shaw uu ka maqan yahay.
City ayaa dooneysa inay la soo wareegto daafac bidix oo cusub marka la gaaro dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo Gael Clichy ama Aleksandar Kolarov midkood uu kooxda ka tagi doono,.
.
Calciomercato news oo kasoo baxa Talyaaniga ayaa sheegay in labada dalab ee u yimid xiddiga Juventus Sandro la dhageysan karo.
Si kastaba ha ahaatee warbixinta ayaa intaa ku dartay in dalabka kooxaha Premier League ay diidi karto kooxda reer Talyaani oo aan diyaar u aheyn inay iska iibiyaan daafacooda.
.Sandro ayaa ku soo bilowday kaliya sideed kulan oo Serie A ah xilli ciyaareedkan, laakiin Juve ayaa u aragta bedelka mustaqbalka dheer ee Patrice Evra.
Juventus ayaa rumaysan in 25-sano jirkaan lagu qiimeeyo ku dhowaad £ 35 milyan uu sii joogi doono kooxda.


