Dhallinyaro ka socota Jaamacadda Carabta iyo kuwa Midowga Yurub ayaa maanta ka qeybgalaya tababar afar cisho ah ay soo qaban qaabiyeen Waaxda Arimaha Dhallinyarada Wasaaradda Dhaqanka iyo Sportiga ee dalka Qadar.
Tababarkan oo maanta si rasmi ah uga furmaya magaalada caasimadda ah ee Doxa waxaa ka qeyb galaya 40-dhallinyaro oo ka kala socota 11-dal oo Carab ah sida,Soomaaliya, Djibouti, Algeria, Iraq, Morocco, Yemen, Comoros, , Oman, Palestine, Lebanon, Libya, Qatar,halka kuwa Yurub ay ka socdaan Portugal, Macedonia, Montenegro, France, Norway, Sweden, Italy, Estonia, Czech Republic, Malta, Russia, Latvia, Greece iyo Germany
Tababarkaan oo ah markii ugu horeysay mid ka dhacaya gobol Carbeed,waxaa diiradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa kaalinta dhallinyarada ee xagga maamulka arimaha bulshada,iyadoo mudada uu socdo looga hadli doono sidii dhallinyarada haweenka ah ee labadaasi dhinac ay u heli lahaayeen xuquuq la simman tan raga.
Tababarkaan oo sidoo kale lagu soo bandhigayo kaalinta hoggaaminta dumarka waxaa macalimiin ka noqonaya haween ka socda Qadar iyo Yurub,iyadoo ka qeybgalayaasha ay booqan doonaan Madxafka Msheireb ee dhinaca dhaqanka Islaamka.