Kumanaan taageerayaal kooxo isneceb ah ayaa muujiyay midnimo si ay u soo bandhigaan sida ay uga xun yihiin 44kii qof ee lagu dilay banaanka garoonka Bestiktas ee magaalada Istanbul.
Taageerayaal badan ayaa yimid si ay u daawadaan kooxda Besiktas oo gurigeeda ku ciyaareysa markii ugu horeysay tan iyo markii labo bambaano lagu weeraray boliiska ilaalinayay garoonka Sabtidii.
Taageerayaal kubada cagta ah oo intooda badan luxayay calanka Turkiga ayaa buuxiyay garoonka Vodafone Arena
Waxaana ay muddo daqiiqad ah u aamuseen in lagu xusuusto dadkii la dilay Sabtidii.
Besiktas ayaa sheegtay in lacagta ka soo gashay tikidhada kulankii shalayto inay siin doonaan qoysaska ay dhibaatada soo gaartay.
Weeraradii lagu qaaday garoonka ayaa dhaacay kaliya saacado ka dib markii ay ciyaar soo dhamaatay.
Gaari la qarxiyay ayaa lala beegsaday gawaariada boliiskii ilaalinayay garoonka halka ruux ismiidaamiyay uu isna isqarixiyay. 10 qof ayaa loo xiray arintaan.



