Dib u dhac ku yimid dhaarinta xildhibaanada

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa dib u dhac uu ku yimid dhaarinta xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 10-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo maanta la filayay in ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho.

Warar ay heshay Idaacadda Risaala ayaa sheegaya in dib loo dhigay dhaarinta xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sababaha dib u dhaca uu ku yimid ayaa lagu sheegay shahaado siinta xildhibaanada Baaralamaanka oo aan soo dhamaan, xldhibaanada qaar oo weli aan soo gaarin Magaalada Muqdisho iyo Doorashooyinka xildhibaanada ka imaanaya Gobolada Waqooyi oo weli socota.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Munaasabada dhaarinta xildhibaanada ay dhici doonto maalinta sabtida ah, oo Taariikhda ay ku beegan tahay 17-ka Bishan.

Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran ayaa shir ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku go’aamiyeen in 15-ka Bishan oo maanta ah ay dhici doonto dhaarinta xildhibaanada Baaralaamanka 10-aad.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hada ku soo xaroonaya xildhibaanada cusub, waxaana Magaalada si xoog leh uga bilaaaban doona ololaha ku aadan Madaxtinimada Soomaaliya.