Saamiyada Mareykanka ayaa cirka isku shareeray kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu sheegay inuu joojinayo canshuuraha lama filaanka ahaa ee uu saaray badeecooyinka ka imanaya inta badan waddamada dunida, isaga oo halkii ka dhigayaa in la saaro canshuur dhoofeed dhan 10%.
Aqalka Cad ayaa sheegay inay ka laabanayaan canshuuraha sare ee saameynaya saaxiibadooda ganacsi, gaar ahaan kuwa oggolaaday inay wadahadlaan, inkasta oo Trump uu sheegay inuu sii kordhin doono canshuuraha badeecooyinka Shiinaha, isagoo sheegay in la gaadhsiin doono ugu yaraan 125% “laga bilaabo hadda”.
Suuqa saamiyada S&P 500 ayaa kor u kacay 9.5% taasoo noqotay kororka hal-maalinle ee ugu weynaa tan iyo 2008, kadib maalmo ay jireen qalalaase uu dhaliyay muranka canshuuraha.
Go’aanka Trump wuxuu yimid wax ka yar 24 saacadood kadib markii wareegii ugu dambeeyay ee canshuuraha la dhaqan geliyay, taasoo saameysay saaxiibada ganacsi ee muhiimka ah sida Vietnam, oo badeecooyinkeeda la saaray canshuur cusub oo dhan 46%.
Canshuuraha uu madaxweyne Trump ku dhawaaqay toddobaadkii hore waxay ahaayeen kuwo ka sarreeya oo saameyntoodu ka baaxad weyn tahay intii ay filayeen dadka falanqeeya Wall Street.
Kadib marki lagu dhawaaqay, suuqa S&P 500 wuxuu hoos u dhacay in ka badan 10%, iyada oo falanqeeyayaal badani ka digeen halista sii kordhaysa ee hoos u dhac dhaqaale oo ka dhaca Mareykanka iyo guud ahaan caalamka.
Xigasho:-BBC



