Danjire Cawaale Cali Kullane oo la kulmay madaxa jaamacada Booliska ee dalka shiinaha H.E Ma Jinqi Waxayna ka wada hadleen, sidii loo xoojinlahaa xiriirka tababarka Booliska ee Soomaaliya iyo Shiinaha.
Danjire Cawaale Cali Kullane Safiirka J.F Soomaaliya ee Shiinaha oo ay wehliyaan qaar ka mid ah safiirada wadamada caalamka ee ka howl galaya dalka Shiinaha ayaa booqosho ku tagay xarumo amni iyo kuwa sharci ee dalka Shiinaha.
Safiirada booqday Jamacadda Boliska Shiinaha, Xarunta dhowrista Sharciga & waaxda garsoorka amniga guud ee Beijing. ujeedka boqashada oo ah sidii ay safiirada dalalka caalamka u arki lahaayeen sida shiinaha u ilaaliyaan sharciga ugana hortagaan dambiyada Kala duwan ee bulshada.
Booqashadaas oo sidoo kale qayb ka ahaayeen qaar ka mid ah Diblumaasiyiin ka socday hay’adaha dowliga ah ayaa waxa ay kulan la qaateen dhammaan safiirada wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga guud ee dalka Shiinaha Mudane Wang Xiaohong.
Danjire Cawaale Cali Kulane ayaa kala hadlay mas’uuliyiinta uu halkaas kula kulmay xoojinta xariirka labada dal iyo sidii iskaashi u dhex mari lahaa Soomaaliya iyo Shiinaha



