Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Wasiirka Waxbarshada ayaa kulan la qaatay Alice Albright Maamulaha Guud ee Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ee Waxbarashada,.
Waxa ay ka wada hadleen hormumarinta mashaariicda Waxbarashada Soomaaliya iyo istiraatijiyadda taakuleynta Waxbarashada Soomaaliya ee shanta sano ee socota.
Kulanka ayaa qeyb ka ah shirarka horudhaca u ah shirka horumarinta Waxbrashada, kaasi oo socon doono muddo labo cisho ah.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Carab, waxaana uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu sii wadi doono kulamada inta uu ku sugan yahay London.



