Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Mareykanka ayaa soo masaafurisay koox kale oo muwaadiniin Soomaali ah oo maanta laga soo dejiyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay dadka la soo celiyay inay gaarayaan ilaa iyo 70-Qof kuwaasi oo mudo dheer ku xirnaa wadanka Maraykanka ugu danbayntiina si iskood ah u dalbaday inay ku soo laabtaan wadanka.
Wuxuu sheegay Wasiir C/risaaq Cumar in dib u soo laabashada dadkaan ay gacan ka geysatay safaaradda Soomaaliya ee ku taala wadanka Mareykanka.
Waa markii Labaad ee dad laga soo masaafuriyey Mareykanka ay soo gaaraan Muqdisho tan iyo intii uu xukunka qabtay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Soomaaliya waxay ku jirtaa lix waddan oo Dowladda Mareykanka ay si ku meel gaar ah muwaadiniintooda Qaxootiga ka mamnuucday inay galaan dalka Mareykanka.



