Boosaaso-RisaalaFM- Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamad Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay ka dhoofeen Garoonka Diyaardaha magalaada Boosaaso, iyagoo ku sii jeeda dalka Ethiopia.
C/wali Maxamad Cali Gaas Madaxweynaha Puntland ayaa marka hore tagaya Itoobiya halkaasi oo uu kula kulmi doono Madax ka tirsan dalkaasi, wuxuuna u gudbi doonaa Imaaraadka Carabta.
Inta uusan ka duulin Garoonka ayuu warbaahinta la hadlay waxa uuna yiri “Waxaan maanta u ambabaxaynaa aniga iyo wefdiga aan hogaaminayo safar kooban oo aanu ku tegi doono dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, halkaas oo aanu uga qayb geli doono hawlo la xiriira amniga iyo horumarinta kaaba yaasha dhaqaalaha Puntland”.
Safarka Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa ku soo beegmaya xilli Puntland ka jirto Gadood ciidamada daraawiishta ah kuwas oo ka cabanaya mushahar la’aan soo jiitameysay muddo.




