Kenya-RisaalaFM- 67 Soomaali ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka ayaa saakay laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka, kuwaasi oo la soo gaarsiiyay Magaalada Muqdisho.
Diyaaradda ayaa inta aysan soo gaarin Muqdisho waxa ay soo martay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magaalada nairobi, halkaasi oo ay ku soo dejisay 5 Kenyan ah oo iyana la soo masaafuriyay.
Saraakiisha socdaalka ee Soomaaliya ayaa warbaahinta Risaala u sheegay in Diyaarad u gaar ah dadkan lagu keenay, hadana ay nabad qabaan.
“Waxaa loo soo tarxiilay arrimo la xiriira socdaalka oo ay ka mid tahay sharci la’aan, waa nalagu soo wargeliyay qorshaha keenidooda” sidaasi waxaa Risaala u sheegay sarkaal ka tirsan Hay’adda socdaalka.
Soomaalida iyo Afrikaanka kale ee laga soo tarxiilayo Mareykanka waxay socotay tan iyo markii dalkaasi laga bilaabay in la qab qabto dadka aan sharciga heysan.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa horey Mareykanka uga mamnuucay Qaxootiga sharci la’aanta ah iyo dadka ka safraya lix dal oo Muslimiin ah, kuwaasi oo kala ah Soomaaliya, Suudaan, Liibiya, Iiraaan, Yaman iyo Suuriya.


