DHAGEYSO: DF oo xoojineysa Dagaalka Shabaab

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in la xoojinayo Dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab, si guud ahaan looga saaro dalka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo mari ku ahaa Barnaamij ka baxayay TV-ga Dowladda ayaa sheegay Madaxda Qaranka iyo Madaxda Dowladda in ay isla garteen arrimaha amniga in mudnaan gaar ah la siiyo, lana dardar geliyo Dagaalka Shabaab.

Waxa uu sheegay in la isla gartay Golaha Amniga Qaranka in xubno laga siiyo Maamul Goboleedyada, oo ay ka mid noqdaan, si loogu midoobo Amniga.

Sidoo kale Eng. Yariisow ayaa sheegay arrintan in ay sahleyso wada shaqeynta iyo xiriirka, Dowladda Federaalka in ay noqoto mid wadankii oo dhan ka shaqeysa.

Al-shabaab oo ku sugan meelo badan oo ka mid ah Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxa ay Dagaal kula jiraan Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM, iyaga oo mararka qaar weerara Fariisimaha Ciidamada Dowladda.