Magaalada Kkartuum ee dalka Suudaan ayaa waxaa kasoo ambabaxday diyaarad sida muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ahaa kuwa ku xayirnaa dalkaas sababo la xiriira Cudurka COVID-19.
Muwaadiniintaan oo tiro ahaan gaaraya 112 qofood ayaa waxaa kasoo bixitaanka dalka Suudaan waxaa suurtageliyay safaarada Soomaaliya ee dalkaas, Midowga Ardeyda Soomaaliya ee Suudaan iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.
Mas’uuliyinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan ayaa waxaa ay sheegeen in Dadaad dheer kadib ay u suurtagashay inay dalka Suudaan kasoo ambabaxaan muwaadiniintaasi Soomaaliyeed,kuwaas oo la filayo inay diyaarada sida soo gaarato Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxaa ay Magaalada Muqdisho u keentay Boqolaal Ruux oo sababo la xiriira Cudurka COVID-19 ugu xayirnaa dalalka, Kenya, Uganda & Sacuudiga.



