Soomaali ku geeryootey Koonfur Afrika

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in Afar qof oo ganacsato Soomaali ah ay dhinteen, ka dib markii dab uu qabsaday goobtooda ganacsi.

Weli ma cadda in dukaankan dab la qabadsiiyay iyo in uu gudaha ka kacay, laakiin horey falal Soomaali lagu gubay ayaa ka dhacay Gobolka Eastern Cape.

Booliska Koonfur Afrika iyo Gaadiidka dabdamiska ayaa waxa ay soo gaareen goobta uu dabka ka kacay, waxaana la damiyay dabkii kacay, sidoo kale Booliska ayaa baaritaano.

Dhawaan ayaa ganacsade Soomaaliyeed sidoo kale lagu dhex gubay goobtiisa ganacsi.