Maanta waxa magaalada Washington ee caasimada dalka Mareykanka ka furmeya shir sanadle ah oo ay Muslimiinta Mareykanka isugu yimaadaan iyaga oo la kulmaya sharcidajiyeyaasha dalkaas, madax kale iyo waliba ururo Muslimiin ah oo gobollada kala duwan ee dalkan xarumo ku kala leh.
Ururada Muslimiinta ah ee ka qaybgalaya kulankan waxaa ka mid hay-adda Ayaana oo kulmiso masaajid u badan kuwa ay Soomaalidu maamusho oo Mareykanka dacaladiisa ku kala yaal.
Maxamed Khayre Jaamac, xoghayaha Masjidka Abubakar ee Takwila, gobolka Washington iyo Maxamed Xussen Xaaji oo xubin ka ah gudiga masjidka waxa ay ka mid yihiin ergada Muslimiinta ah ee ka qaybgaleysa kulankaas.
Waxaa ay labaduba sheegeen in sanadkaan shirkooda uu ka duwna yahay shirarkii hore, kadib markii ay dhaceen weeraro Islaam naceyb ah,isla markaana Muslimiin farabadan ay ka qeybgeli doonaan.



