Waxaa kordhay sanadkaan 2019 dilalka Soomaalida loogu geysanayo dalka koonfur Afrika, iyada ootodobadkaan gudihiisa lagu dilay dalkaas in ka badan saddex Ruux oo Soomaali ah.
Kooxo Burcad koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay Gudaha dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa caadiga ah ee Shaqo.
Kooxda ayaa weerartay muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Mahad Badal isaga oo ku sugnaa meel aan ka fogeen Goobtiisa Shaqada oo ku taalla Xaafada Motherwell ee magaalada Port Elizabeth, iyaga oo goobta ka baxsaday.
Dhinaca kale Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa Magalada Rustenburg Ee Gobolka North West waxa ay ku dhaawaceen muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Cabdullaahi Ambarela.
Kooxda Burcad ayaa ugu galay Goobtiisa Shqadii, iyada oo dhowr xabadood ku dhuftay,sida uu sheegay mid kamid ah Soomaalida ku Ganacsata dalkaasi Koonfur Afrika.
Si kastaba marka la gaaro Bilaha November iyo December ee sanad kasta ayaa waxaa Kooxaha Burcad Koonfur Afrikanka ah ay kordhiyaan dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee Soomaalida loogu geysanyo dalkaas.



