Ciidamada Ammaanka maamulka Somaliland ayaa xiray Sheekh Aadan Suni oo ka mid ah Culimadda caanka ka ah dhulka ay Soomaalidu ay degto.
Sheekha ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhaliil u jeedinayay maamulka Somaliland ka dib markii ay xireen Macalimiin Qur’aan.
Xalay ayaa la sheegay in cutubyo ka tirsan ciidamada maamulka Somaliland ay u daateen Guriga Wadaadka oo ku yaalla Xaafadda Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa.
Ciidamada ayaa la sheegay in iska horimaad kooban ay kala kulmeen dhalinyaro ku sugnaa Guriga Sheekh Aadan Suni.
Ciidamada ammaanka ayaa dhowr jeer xiray Sheekh Aadan Suni ka dib markii uu dhaliilay maamulka Somaliland.


