Wasaaradda Beeraha Xukuumadda ayaa sheegtay inay bilaabeyso diiwaangelinta Haya’adaha ka shaqeeya dhanka wax soo saarka Beeraha Somaliya.
Xaamud cali xasan wasiir kuxigeenka Wasaaradda beeraha ayaa sheegay inay aad u fara bateen Hay’adda aanan Dowli aheyn oo loo yaqaan NGO, kuwaasi oo ka shaqeeya arrimaha Beeraha.
Wuxuu sheegay inay bilaabayaan iminka diiwaangelinta dadka ka shaqeeya iyo Hay’adaha Beeraha qaabilsan shaqadooda
Inta badan Hay’addaha ka shaqeeya Beeraha ayaa lagu eedeeyaa in ay dalka keenaan cuntooyin laga soo saarikaro dalka, waxaana taasi ay caqabad ku tahay beeraleyda Soomaaliyeed.



