Xukuumadda Somaliland ayaa Dareen Tacsiyeed oo ay ku tilmaantay mid tiiraanyo leh la wadaagtay shacabka Tunisia oo uu ka geeriyooday madaxwaynahoodii da’da ahaa.
War kasoo baxay Somaliland Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in ay tacsi u dirayaan Shacabka dalka Tunisia, islamarkaana Somaliland uu kala dhaxeeyo xiriir Wanaagsan.
Madaxweynihii dalka Tunisia Beji Caid Essebsi ayaa la xaqiijiyay in uu geeriyooday, isaga oo jiray da’da 92 sano,sida ay shaaciyeen qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamka qaarkood.
Shalay oo aheyd Arbaco ayaa la dhigay Isbitaal,kadib markii sida la sheegay uu xanuunsaday,hayeeshee saraakiisha dalkaas aysan shaacin nooca uu yahay xanuunkiisa, iyada oo ugu dambeyn uu Maanta geeriyooday.




