Somaliland oo lagu eedeeyay dhibaateynta Suxufiyiinta

Ururka Suxufiyiinta aan xuduuda laheyn ee RSF ayaa ugu baaqay  maamulka Somaliland in ay xaqdhowraan Suxufiyiinta,islamarkaana la joojiyo xadgudubyadda joogtada ah ee lagu haayo Saxafiyiinta ka howlgalla degaanada maamulka Somaliland.

Saxafiyiinta aan Xudduudda Lahayn (RSF) ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Maxamed Dirir, oo ah wariye lagu xukumay 18 bilood oo xabsi ah 8dii Oktoobar ayna xukuntay maxkamad ku taalla Hargaysa.

Mulkiilaha wargeyska onlineka ah Saylac Maanta, Dirir ayaa lagu xukumay dambiyo lagu soo oogay iyo daabacid warar been abuur ah oo la xiriira maqaal ku saabsan dhibaataynta dhalinyarada gabdhaha yar yar ee dugsiga gaarka ah ee Noradin ee Hargaysa, waxaana la xiray 16 Sebtembar.

“Waxaan cambaareyneynaa xukunkan aan sharciga waafaqsaneyn iyo habka loo soo saaray, taasoo ku xad gudubtay xuquuqda eedaysanaha ee habsocodka sharciga, sababtoo ah garyaqaankiisa lama joogin,” ayuu yiri Cléa Kahn-Sriber, madaxa xafiiska RSF ee Africa

“Waxaan ka codsaneynaa maxkamadaha Hargeisa in ay raacaan dastuurka Somaliland, kaas oo sheegaya in xorriyadda saxaafadda la ixtiraamo, waxaana ugu baaqaynaa in si deg deg ah loo sii daayo wariyahaan.” ayuu hadalkiisa kusii daray  Cléa Kahn-Sriber.