Somaliland oo ka hadashay u diyaar garoowga doorashooyinka

Fadhigii 75aad ee golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka qabsoomay Hoolka shirarka golaha wasiirrada, ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo la xiriira u diyaargarowga iyo hirgelinta doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee qorshaysan 31-ka Bishan May 2021.

Shirka maanta oo uu Ajandihiisu ahaa Adkaynta Amniga doorashada iyo caddaynta xilka golaha wasiirrada saaran,, ayaa ugu horrayn warbixinno lagaga dhegaystay wasiirradda arrimaha gudaha iyo horumarinta maaliyadda, kuwaas oo caddeeyey inay dhammaystireen dhammaanba wixii dhanka Amniga iyo dhaqaalaha la xidhiidha ee dhinacooda looga baahnaa hirgelinta doorashooyinkaas qaranka muhiimka u ah.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo shirka ka jeediyey hadal dardaaran iyo dhiirrigelin ah, ayaa faahfaahiyey baaxadda amni iyo midda dhaqaale ee ay doorashadu leedahay iyo sida ay xukuumaddu uga soo dhalaashay kaalintii kaga aaddanayd, waxana uu yidhi,“Qolada Amnigu waxay inoo warrameen in kharashkii, ciidamadii ammaanka iyo maamulkii ay laban-laabmeen, marka doorashooyinkii hore loo eego, waxana la hawlgeliyey 11,000 oo askari, si 2,800 oo goobood ammaankooda loo sugo, intaana waxa dheer ciidamadii kale oo heegan ku jira oo xuduudaha dhammaantood xidhaya, waana qorshe aad inoogu culus dawlad ahaan, wasaaradda Ammaankuna waxay inoo xaqiijisay in wixii miisaaniyad looga baahnaa hawlahaas dhaqaaqaya ay fuliyeen.”

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in shaqaalaha Xukuumadda  iyo ciidamada mamnuuc ka yihiin, xukuumad ahaanna ay arrintaas dabbaqayaan,“Shaqaalaha dawladdu hadduu ciidan yahay iyo hadduu shaqaale dawladeed yahay siyaasadda wuu ka reebban yahay, waana u dhex oo shaqadii qarankuu wadaa, sharcigaana sidaas ina faraya, waana aynnu ku dhaqmaynaa,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.