Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Magaalada Boosaaso

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa shir Guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee amniga, kaasi oo goob-joog ka ahaayeen Saraakiisha Laamaha Amaanka iyo kuwa surdoonka C.I.Da qeybahooda kala gadisan ee Gobalka Bari.

Shirkaan ayaa inta badan Maanta looga hadlay Amniga guud,iyadoo halkaasi looga mahadceliyay isla markaana lagu boogaadiyay howlaha sugitaanka Amniga oo ay qabteen Saraakiisha iyo ciidamadooda intii lagu jiray Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Ugu danbeyn Saraakiisha iyo ciidamada ayaa lagu faray shirka amniga in lasii xoojiyo wada shaqeynta Laamaha Amniga iyo Bulshada.

Ciidamada Booliska Gobolka Bari ayaa laba Maalin oo xiriir ah waxaa ay gacanta ku dhigeen Gawaari Qamri farabadan gelineysay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari iyo raggii watay.