Maalinta sabtida ah ee fooda inagu soo haysa 27ka June Somaliland looga dareerayaa qaadista imtixaanada shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo kaliya.
Waxaa sanadkan Meesha ka baxday imtixaanadii laga qaadi jiaray fasalada 8deed ee dugsiyada dhexe ee shahaadiga ah.
Waasarada waxabarashada ayaa sheegtay in arday tiradoodu gaadhayso 20kun oo arday oo dugsiayada dhexe ah la qiimayn doono heerkooda waxbarasho iyada oo aan imtixan laga qaadin Covid _19 .
Halka 11kun oo arday fasalada Afraad ee dugsiga sare ka baxaya iyaga imtixaan laga qaadi doono bilaamaya maalinta sabtida ah.



