Saleebaan Maxamuud Aadan guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa si adag ula hadlay weftiga beesha caalamka ee Khamiistii Madaxtooyada kula kulmay Madaxweyne Biixi iyo labada guddoomiye Baarlamaan.
Guddoomiye Saleebaan ayaa dalalka Beesha Caalamka ee Somaliland taageera ku eedeeyay in ay wiiqayaan hay’adaha Distooriga ah ee Somaliland. Waxa uu u sheegay in aanu jirin sharci fasaxaya in la kala diro Komishanka cusub, islamarkaana aanu jirin wax dambi ah oo ay leeyihiin.
Guddoomiyaha Guurtidu waxa kale oo uu beesha caalamka ku yidhi ‘Somaliland way isku filan tahay,” waxaanu intaasi raaciyay in ay bixin karto kharashka doorashooyinka ee Beesha Caalamku ka bixiso.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in uu taageersan yahay qodobada Guddoomiye Saleebaan u bandhigay Beesha Caalamka.



