Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay kiisas horleh oo Cudurka Coronavirus ah oo laga helay deegaannadeeda, iyada oo dad horleh Cudurka Coronavirus ay ugu geeriyodeen deegaannada Soomaaliland.
War kasoo baxay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Soomaaliland ayaa waxaa lagu sheegay inla baaray 95 qof oo looga shakisanaa Cudurka,balse laga helay 35 Ruux oo kamid ahaa dadkaasi.
Dadka Cudurka laga haley ayaa Wasaaraddu waxaa ay sheegtay inay kala joogaan 14 Ruux magaalada Boorama,8 Ruux Magaalada Burco, 8 kale Magaalada Hargeysa, laba qof Magalada Berbera, laba ruux oo kale Magaalada laascanood laba, halka hal ruux uu joogo Magaalada Allaybaday ,waxaana dadka Cudurka laga helay ay yihiin kuwo aan ka bixin deegaannada Soomaaliland.
Ugu dambeyn Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland waxaa ay sheegtay in qof Haweenay ah oo qabay Cudurka uu ugu dhintay Magaalada Hargeysa kaas oo noqonaya qofkii 15aad oo Soomaaliland ugu dhinta COVID-19.
Tirada Guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus deegaannada Soomaaliland ayaa waxaa ay gaartay 203 Ruux halka ay ka bogsadeen 19.



