Alle ha u Naxariistee waxaa Magaalada london ee wadanka Ingiriiska oo ay ku nool yihiin Soomaali farabadan ku geeriyooday Macalin Xasan Faarax oo loo yaqaanay ( Macalin John) oo ka mid ahaa dadka sida weyn uga dhex muuqday Soomaalida ku nool dalkaas.
Macalin Jorn oo ahaa Macalin dhanka Kubbada Kolayga ah sidoo kalena kamid ahaa cayaartoydii hore ee kubada Koleyga Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in todobaadyadii la soo dhaafay uu la xanuun sanayay Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,hayeeshee ugu dambeyn uu Maanta u geeriyooday.
Alle ha u Naxariistee Macalin Xasan Faarax John oo in mudo ah deganaa Magaalada london ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda lagu Aaso Magaalada london sida ay sheegeen dad ay saaxiibo ahaayeen oo ku nool Magaaladaas.
Horay Magaalada lodon waxaa ugu geeriyooday dad Caanka ahaa Ciyaaraha kubadda cagta Soomaaliya oo ay saaxiibo ahaayeen Macalin Jorn,kuwaas oo ay kamid ahaayeen Cabduqaadir Maxamed Faarax Biriq iyo Marxuum Injineer Baana Cabdalla Cali oo labaduba u geeriyooday COVID-19.



