Sky Sports ayaa ku dhawaaqay kulamada ay sida tooska ah u baahan doonaan horyaalka Premier League ee labada bilood ee xili ciyaareedka cusub ugu horeeya.
Kadib marka uu maamulka Premier league jadwalka soo saaro, waxaa taariikhda iyo watiga rasmiga ah ee baahinta go’aamiyay TV-yada xuquuqda baahinta haysta.
Sky Sports oo haysta baahinta ugu badan ee kulamada Premier league ayaa shaaciyay kulamada horyaalka Premier league ee ay sida tooska ah u baahin doonaan bilaha August iyo September oo ah labada bilood ee xili ciyaareedka cusub ugu horeeya.
Baahinta tooska ah ee uu Sky Sports ku dhawaaqay ee bilaha August iyo September waxaa ku lug yeelan doona kooxaha Manchester City, Liverpool, Chelsea, Tottenham, Arsenal iyo Manchester United.
Baahinta tooska ah ee uu Sky Sports ku dhawaaqay ayaa ka kooban laba qaybood, waa qayb ah labada bilood ee August iyo September oo laysku daray oo ah kulamada guud ee ay baahin doonaan halka qaybta labaad ay tahay kulamada sida rasmiga ah waqtigooda loo shaaciyay.



