USA-RisaalaFM- Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa weerar habeen ka hor koox hubeysan ay ku qaadeen goob ganacsi oo ay leeyihiin Soomaali, taasi oo ku taalla magaalada Minneoples ee gobolka Minnesota dalka Mareykanka.
Shirkadda la weeraray ayaa ka shaqeysa xagga gaadiidka caafimaadka dadweynaha, waxaana iska leh muwadin Soomaaliyeed, kaasi oo lagu magacaabo C/wahaab Maxamed.
Milkiilaha shirkadan ayaa sheegay xilliga uu weerarka dhacayay in goobta uu ka maqnaa balse, ay ku soo wargelisay Hibo Cabdi oo ka mid ah shaqaalaha shirkadda.
Wuxuu sheegay in loo yeeray Booliska si arrintan ay ula socdaan, welina ay socdaan kiisaska la xiriira falkan, si gacanta loogu soo dhigo dableydii weerarka ku soo qaaday goobta ganacsi.
C/wahaab Maxamed ayaa sheegay in ay jiraan hanjabaadyo dhinaca ganacsiga ah, balse shaqsi ahaan isaga aanan loo beegsaneyn, maadaama uu sheegay wadanka in ay ka jirto cunsurinimo.
“Waxaan habeen iyo maalin u taaganahay, inaan iska difaacno cadowga shirkadaheena iyo nafsadeena, inkastoo dadka ka hadla arrimaha nuucaan ay yar yihiin, hadana marlwaba waxaan garab ka helnaa qoloda sharciyada dajiya, xildhibaanada oo ay ugu horeyso Ilhaan Cumar”. Ayuu yiri C/wahaab.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ayaa arrintan aad u cambaareeyay, waxayna Booliska Mareykanka iyo Hay’adaha dambi baarista ka dalbadeen in falalka nuucaan oo kale ah si deg deg ah ay wax uga qabtaan.


