Daadad dad ku laayay Awdal

Awdal-RisaalaFM- Roobab fatahaad wata oo ka Da’ay degaano ka tirsan gobolka Awdal ayaa geystay khasaare naf iyo maalba, sida uu Risaala u xaqiijiyay Duqa magaalada Boorama Maxamed Xuseen Meyrane.

5 Qof ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxa ay Roobabkan ku dileen degaano ka tirsan gobolka Awdal, halka sidoo kalena ay dhaawacmeen ilaa 4 qof oo kale, kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaadka.

Dadka dhintay ee Daadkan ay dileen waxaa ku jiray Hooyo iyo laba cauur ah oo ay waday iyo sidoo kale Haweeney iyo nin kale oo la socday gaari, gaarigaasi oo uu qaaday Daadka ka dhashay Roobabkan.

Ku simaha Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal oo la hadlay VOA ayaa sheegay weli ka maamul ahaan in ay wadaan samata bixinta dadka ay saameeyeen Roobabkan.

“Waxaa la soo sheegayaa in Roobab Daadad wata ay dileen ilaa 5 qof, oo ay ku jiraan Hooyo iyo laba cauur ah oo ay wadatay, dhowr qof oo dhaawacyo ah ayaa jira, warbixinta weli waala soo uruurinayaa”. Ayuu yiri Guddoomiye Sugaal.

48-kii saac ee la soo dhaafay ayaa Roobab waa weyn oo wata Daadad waxa ay ka da’ayeen gobolada galbeedka ah ee maamulka Somaliland oo ay ku jirto magaalada Hargeysa.